Sweden oo samaysay gantaal ah nooca ”rid ee ka seexo” & muuqaallada cajiibka ah ee uu leeyahay + Sawirro

0

(Hadalsame) 09 Maajo 2022 – Sweden ayaa howlgelisey gantaalaha RBS-15 (Robotsystem 15) oo ah gantaalo riddada dheer ah gaar ahaan nooca ”rid ee ka seexo” loo yaqaan ee loo adeegsado cir-ka-cir, dhul-ka-cir iyo badda.

Sababta magaca ”rid ee ka seexo” loogu adeegsado waa in gantaalkani uu isagu shaqadiisa qabsanayo wixii ka dambeeya markii la rido isagoo si gaar ah u raadsanaya bartilmaameedkii loo saaray, islamarkaana wax laga bedeli karo haddii loo baahdo meesha uu u socdo iyo bartilmaameedkaba.

Gantaalkan oo leh nooc cusub oo la yiraahdo Mk. III ayaa waxaa farsamaysay shirkadda Swedish-ka ah ee Saab Bofors Dynamics.

Waxaa lagu gantaalkani ku xirmayaa maraakiibta dagaalka ee dabaqadda Visby-class ee corvette-ka ah, miigagga ay Sweden samayso ee JAS Gripen iyo sidoo kale gawaari iskugu jira kuwa siliska leh iyo kuwa caadiga ah ee dallacmaya.

RSB15 (dhammaan noocyada kala duwan sida RBS-98) ee gantaalaha lidka maraakiibta, cirka iyo dhulka waxaa adeegsada dalalka Sweden, Germany, Croatia, Finland, Poland, Thailand iyo Algeria.

Hadalsame Media