Bahdil lagula kacay Danjiraha Ruushka u fadhiya dalka Poland & sida ay wax u dheceen (Daawo)

0

(Warsaw) 09 Maajo 2022 – Dibadbaxayaal careysan oo kasoo horjeeda dagaalka ka socda Ukraine ayaa rinji cas ku daadiyey Danjiraha Ruushka u fadhiya Poland, iyaga oo ka hor istaagey in uu maamuuso qubuuraha Warsaw ee askartii Ciidanka Cas ee Ruushka kaga dhintay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Danjire Sergey Andreev ayaa gaarey qabuuraha ciidamadii Midowga Soofiyeeti si uu ubax u dhigo Maalinta Guusha, taasoo ku asteysan jabkii Naasigii Jarmalkua kala kulmay ciidankii xulafada.

Munaasabaddan ayaa si wanagsan loogu dabaaldegey dhoollatus ka dhacay Fagaaraha Cas ee magaalada Moscow. Markii uu soo gaaray qabuuraha Askarta Soofiyeedka ee caasimadda Poland, Andreev waxa la kulmay boqollaal qof oo ah gayfanayaal kasoo horjeeda dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Muuqaal fiidiyow ah ayaa muujinaya rinji guduudan oo laga soo tuuray Danjire Andreev gadaashiisa kahor kaasoo wejiga iyo meelo badan oo jirkiisa ka mid ah ku daatay.

Dibadbaxayaasha ayaa u diiday Safiirka iyo dadka kale oo la socdey inay ubaxooda dhigaan qubuuraha. Dibadbaxayaashu oo watey calanka Ukraine ayaa waxay ku dhawaaqayeen “Fashiste” iyo “gacan ku dhiigle.”

Hadalsame Media