(Muqdisho) 06 Maajo 2022 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah uga codsatay hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF inay dib ugu dhigto dib u eegista barnaamijka dhaqaalaha oo lagu wadey inuu ku ekaado bartamaha bisha Maajo ee sanadkan 2022-ka oo ah maalinta haatan loo asteeyey doorashada Madaxwaynaha dalka.
DF ayaa si qarsoodi ah u gudbisey codsi dhigaya in IMF ay muddo saddex bilood ah oo ku beegan 17-ka Agoosto, 2022-ka ugu darto xilliga ay samayn lahayd dib u eegistaan iyadoo daliishanaysa dib u dhaca doorashada.
Barnaamijka ay Soomaaliya ka taageerto IMF ayaa waxaa saameeyay hubanti la’aanta siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimid doorashada. Dowlad cusub oo ay ka go’an tahay barnaamijka dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya ayaa mar walba u muuqatey mid aan la isku afgaran karin kahor inta aan la dhaafin waqtiga ay IMF qabatay oo ku beegan bartamaha bishan Maajo.
Warqad ay si wada jir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda, Dr. Cabdiraxmaan Beileh iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayay dowladdu ku doodday in aysan awoodin in ay xilligii lagu ballamay kaga qaybgasho dib u eegista barnaamijka dib u habeynta dhaqaalah ee IMF, iyadoo aan wax “wax dib u eegis ah la samaynin ilaa Nofeembar 2020-kii iyadoo barnaamijka ECF uu waqtigiisu dhacayo Maajo 17, 2022, taasoo ku beegan xilliga dib u eegista 18 biloodlaha ah.
Muddo bilo ah, ayay Dowladda Federaalku waxay ka aamusnayd arrintan muhimka ah, iyadoo rajeynaysey in ismariwaaga doorashadu uu iskii u xallisnayo.
Bil kasta, waxaa jira farqi $10m ah oo doollar ah oo u dhexeeya dakhliga Dowladda iyo kharashka ay bixiso. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa iyana waxay joojiyeen taageeradii miisaaniyadeed ee kabka ahayd ee ay Soomaaliya siinayeen kaddib doorashooyinkii dib u dhacay.
Dib u dhacyadan awgood, deeqaha taageerada miisaaniyada 2021 waxay kusoo koobmeen kaliya US$38 milyan oo doollar, marka la barbar dhigo US$170 milyan oo doollar oo la heli jirey miisaaniyad ahaan.
Ilaa hadda, waxaa taa lagu daboolaa dhaqaalaha loogu deeqay Soomaaliya oo qayb ka ah qoondada IMF ee 2021 SDR (taasoo ah US$157 milyan oo doollar), laakiin tas-hiilaadkaas ayaa ku dhammaan doona haddii aan la helin taageerada miisaaniyaddana xaaladdu jiq ayay isku noqonaysaa waana sababta ay DF u ciirsatay inaan laga jarin lacagta IMF oo lafteedu mustaqbalka ku dallacmi doonta jeebabka ummadda Soomaaliyeed.
Hadalsame Media