Sida laga soo xigtey Arab Post, warbaahinta Iiraan ayaa ku warrantay in Ghaani uu sheegay in 41 diyaaradaha dagaalka ee Israel ihi ay ku guuldareysteen inay qabtaan laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay Iiraan leedahay oo fuliyay howlgalka.
Ghaani waxa uu intaa ku daray in Israa’iil ay qiil fashilkeeda uga dhigtay inay samaynaysey dhoollatus millateri.
“Waxaa idiin wanaagsan inaad ku laabataan waddamadii asalka ahaan aad ka timaadeen inta ay goori goor tahay,” ayuu Ghaani ka digey, isagoo la hadlaya Israa’iil.
Waxa uu intaa ku daray: in “in ka badan 70 sano, Israa’iiliyiintu ay ku guuldareysteen inay noqdaan qaran midaysan. Waxaana jira bar madow oo cunsuriyadeed oo gaartey meeshii ugu sarreysay (Israa’iil).”
Dhanka kale, Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iiraan, Hassan Salami, ayaa isna dhankiisa sheegay, in “Israa’iil ay iskeed iskugu diyaarineyso shuruudihii ay ku burburin lahayd nafteeda.” isaga oo tixraacaya gardarrada ay ku hayso Falastiiniyiinta, Suuriya iyo Iiraaniyiinta.
Hadalsame Media