”Mar Soomaalida Portuguese ayaa idinka difaacey marna Soofiyeede goorma ayay Amxaaro is difaacdey?!!” – Eritrean-ka oo taariikh xusuusiyey Amxaarada dhulka sare

0

(Hadalsame) 01 Maajo 2022 – Bogga Twitter-ka ee ”Wolde United We Stand” ayaa qoraal xifaalo ah oo ka dhan ah Qoowmiyadda Amxaarada goor dhow soo dhigay Twitter-ka iyagoo soo qoray:

”Boortaqiisku waxay Itoobiya ka badbaadiyeen Axmed Gureey. British waxay Itoobiya ka xoreeyeen Fashiistihii. Soofiyeedku wuxuu sidaa oo kale ku sameeyey Soomaaliya.Turkiga & Carabta & Eriteriyaanku waa kuwa sidaa oo kale uga difaacaya Tigree. Goorma ayay Amxaaradu difaacday Itoobiya?!”

Amxaarada ayaa ah qoowmiyadda 2-aad ee ugu tirada badan sidoo kalena waa qoowmiyadda iyadoo kaashanaysa awoodo shisheeye oo waqtiyo kala geddisan soo jirey oo ay Galbeedku ugu dambeeyeen, ku guulaystey inay gumaystaan qoowmiyadaha kale ee Itoobiya oo ay badankooda xitaa Amxaareeyeen.

Tan ugu yaabka badanise waxay tahay inaysan ahayn dad geesi ah oo dagaallada ku fiican, waxaana daliishii ugu dambaysey lagu arkay dagaalkii lagu qaaday Tigreega oo iyaga oo la hubeeyey awooddii DF Itoobiya ay la jirtana wax ka qaadi waayey Tigreega oo iyagii dhul ka qabsaday intii uu dagaalku socdey.

SOOYAAL KOOBAN – Soomaalida ayaa samaysay laba ka mid ah dagaalladan uu boggani xusayo waxaana xusid mudan in midkii ugu darnaa ee ilaa woqooyiga Itoobiya lagu qabsaday uu ugu darnaa midkii ciidamadii uu hoggaaminayey Axmed Gurey ay ku rideen Boqortooyadii Lebna Dengel oo ay markii dambe isagoo dhuudhuumanaya ku dileen meel u dhow macbadka Dabra Dam oo ku yaalla Tigree, 2-dii Sebtembar 1540-kii.

Yeelkeede, waxaa Amxaarada oo uu hoggaaminayey wiilkiisii Galawdewos (Claudius) u yimid gurmad kasoo gaarey dalka Portugal oo markaa awood lahaa uuna hoggaaminayey Cristóvão da Gama oo uu dhalay bad-mareenkii Vasco da Gama, waxayna markii dambe Axmed Gurey (AUN) laftiisa 1543-kii ku dileen meel u dhow Lake Tana.

Axmed Gurey ayaa la sheegay inuu diley askari Portuguese ah oo la yiraahdo Joao de Gallician, kaasoo u aarayey Cristóvão da Gama oo sanad kahor 29-kii Agoosto 1542-kii lagu diley dagaalkii Wofla oo si xun loogu bahdiley Ciidamadii Portuguese-ka oo badankood lagu laayey, sidaa darteed, dagaalkan lagu dilayo Gurey da Gama kuma jirin.

Marka 2-aad ee Soomaalida laga difaacey Itoobiya oo dhan waa Dagaalkii 77-kii oo ay Soomaalidu qabsan lahayd haddii aanu usoo hiillin Midowgii Soofiyeeti iyo Galbeedka oo si dadban u taageerayey.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media