Sawir noocee ah ayuu waxa soo socda naga siinayaa Baarlamanka cusub (Baarlamankee isu qaab eg yihiin?)

0

(Muqdisho) 30 Abriil 2022 – Xildhibaanadda Golaha shacabka ayaa maanta yeelanaya kulanka guud ee golaha waxaana uu agenduhu yahay:

1. Hadal jeedinta Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka.

2. Hadal jeedinta iyo xil wareejinta Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad

3. Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Yeelkeede, waxaa hareeyey buuq laga fursan karo haddii si bisayl ku jiro loo fikiri lahaa waxaana qoraal kooban oo saluug ah ka sameeyey Cabdinuur Wayrax oo u dhigay sidatan:

Inaan horay loo socon doonin 4 sanno socota ayadoon doorashadii ugu mahiimsanayd ee Madaxwaynaha JFS wali la gaarin Baarlamaanka waxaa hareeyay buuq iyo kala aragti duwanaan, Sedaxdii doorasho ugu dambaysay Baarlamaanka maalintii la dhaariyeyba horay ayay ka geleen shaqada doorashada mana jirin buuq Baarlamaanka doorashooyinka kahor ah.

Meesha hadda la marayo waxaa laga soo gudbey 2004-tii doorashadii Cabdullaahi Yuusuf oo ugu dambeeyey Baarlamaan isagoo aan weli doorashadii qaban dhexdooda ka doodaya inaan qaarkood ku imaan sifo sharci ah waana middii sababta u noqtay in Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ay noqoto dowlad fadhiid ah 3 sano oo ay Baydhabo iyo Jowhar soo dhaafi waydey.

Allaha na badbaadiyo ma indho fiicna 4 sano oo soo socotee.

Hadalsame Media