DEG DEG: War ka cusub xildhibaannadii la sheegay in lagu soo doortay Ceel Waaq

0

(Muqdisho) 29 Abriil 2022 – Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa Shabelle TV u xaqiijiyay in kaararkii aqoonsiga loo daabacay xildhibaannadii laga soo doortay Ceel Waaq.

Tillaabadan ayaa timid kaddib markii uu Guddoomiyihii KMG ahaa Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad warqad lagu fasaxayo uu u qoray Xogahayaha Golaha Shacabka, Cabdikariin Xaaji Buux, taasoo ku taariikhaysan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka kahor.

Warkan ayaa soo baxaya iyadoo ay maanta kulmeen Ra’iisul Wasaaraha XFS, Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS, Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha, Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

“Ra’iisul Wasaaraha oo la afuray labada mas’uul ayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay una rajeeyay guul.” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Xildhibaanno la sheegay in lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarrey ayay doodi ka joogtaa iyadoo loo wada diidey inay ka wada qaybgalaan doorashadii Guddoonka Baarlamanka, balse lama oga sida ay arrintani ku dhamaan doonto.

Hadalsame Media