Shan sano kaddib halkee sheekadu u maraysaa MW Farmaajo?! (Aan shan meel ka eegno)

0

(Hadalsame) 27 Abriil 2022 – Ma jirto bar bulshada Soomaaliyeed u fiyoow oo berri loo baxsan doono. Iska dhaaf bulshade’e, ma jirto hay’ad iyo xafiis dowladeed oo bad qaba. Meel kasta fadqallalo iyo fidno ayuu dhex dhigay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Bal u fiirso;

1 – Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo dabka kala qaadan karin oo wax kulamo wadajir ah oo rasmiya wada yeelan saddex (3) sano ayaa waqtigoodu dhamaaday;

2 – Wasaaradaha Amniga, Difaaca, Warfaafinta iyo Waxbarashada oo dhan ah iyo Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Maaliyadda iyo Beeraha oo dhanka kale ah oo isna barbar yaacaya ayaan arkaynaa;

3 – Xafiiska Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ciid tuur dhex taal oo askarta ilaalisa qoloba kuwa kale cadow u aragto ayaan diiwaan gelinaynaa;

4 – Ciidamadii oo khilaafku heerkasta saameeyey oo qoriga ayagu isku sita, siyaasaddana ku dhex milmay oo toban jeer ka badan kala hadlaya ama siyaasi weeraraya ayaan boqol jeer ka badan u soo joognay. Xalay ayaa u dambeysay Talihii Bilesyka oo Doorashadu Amnigeeda waan sugeynaa iyo ma sugayno saacado gudahood ku hadaaqaya ayaan aragnay.

5 – Ugu dambeyn ma jirto musiibo ka weyn Madaxweyne weeraraya Madaxweynayaashii xilka uga horreeyey iyo Guddoomiyihii Golaha Shacabka oo raba in uu ‘‘dilo’’ si uu xukunka ugu waaro!

Soomaaliya shan (5) sano oo cibaaro iyo cashar ugu filan ayey soo martay ee Allow adiga ayaa awood lehe Madaxweyne khayr qaba oo xilkasnimo iyo xikmad leh noogu badel Farmaajo!

Aamiin yaa Rabil Caalamiin.

W; Q: Mahad Geelle

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media