Nin EU-da ka socdey oo 6 bilood Muqdisho joogey oo ka sheekeeyey arrin uu jeclaystay & mid uu ka dayriyey

0

(Muqdisho) 24 Abriil 2022 – Nin lagu magacaabo Marko Haikkola oo muddo 6 bilood ah tababarro ay EU-du sheegto inay bixiso u joogey magaalada Muqdisho ayaa ka dayriyey mustaqbalka Somalia.

Wuxuu ninkan oo qiray in Somalia ay tahay dal xiise badan oo cimilo iyo qorrax fiican leh wuxuu dhaliilay hab-dhaqanka anaaniga iyo maangaabnimada ku dhisan ee siyaasiyiinta.

“Soomaalida mustaqbalkoodu ma qurxoona. Waxaa dilaya musuqmaasuq, hunguri wayni iyo in madaxdooda iyo qabaa’ilkuba ka fekerayaan danahooda gaarka ah iyo siday xukunka u haysan lahaayeen,” ayuu ku bilaabay qoraalka oo uu qayb ahaan tarjumey Cabdulqaadir Diiriye.

“Marna dantooda guud uma midoobaan. Ma aha sida Yukrayniyaanka oo u midoobay dantooda.” Waa sarkaal u dhashay Finland oo Soomaaliya soo joogay lix bilood.” Ayuu raaciyey.

Muxuu runta noogu caayayaa?

Hadalsame Media