(Hadalsame) 23 Abriil 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in ay hawadooda ka xirteen duullimaadyadii millateri ee Ruushka iyo kuwii rayidka ahaa ee ku socday Suuriya.
“Waxaanu ogolaansho horay ugu bixinay muddo saddex bilood ah. Midkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa ilaa bishan Abriil,” ayuu ku yiri wasiirku wareysi uu siiyay saxaafadda intii uu ku guda jirey duullimaad uu ugu kicitimay Latin America, isagoo sheegay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu tillaabadan ku wargeliyey dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin.
“Hadda wixii ka dambeeya duullimaadyadu way joogsadeen,” ayuu ku daray Çavuşoğlu, isagoo sheegay in qorshahani uu ku socdo wadahadal ku saabsan Axdigii Montreux iyo arrimo kale.
Marka la eego oligarchs-ka Ruushka ee imanaya Turkiga, Çavuşoğlu wuxuu sheegay in Turkigu aanu ka qayb qaadanayn cunaqabataynta. “Haddii shirkadi ay rabto inay ganacsi nala sameyso, waa inay u hoggaansamaan sharcigeenna iyo kan caalamiga ah.” ayuu wasiirku soo jeediyey.
Wasiirku wuxuu dhanka kale sheegay inay weli wadaan raadinta xal laga gaaro dagaalka Ukraine iyo inay dedaallo ka socdaan daaha gadaashiisa, waxaa kale oo uu xusay in Turkey ay albaabada iyo khadadka wada hadalka u furayaan labada dhinac mar kasta.
Ruushka iyo Turkiga ayaan marka isku aragti ka ahayn dagaalka Suuriya oo ay kala taageeraan dhinacyo is diiddan, sida Libya, welise Turkigu weli ma xirin marinka Badda Madow ay ka gasho Badda Dhexe.
Hadalsame Media