(Moscow) 19 Abriil 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa diiday sheegashada Galbeedka ee ah in Moscow ay dagaalka Ukraine u adeegsan karto hubka niyukleerka.
Markii weriyuhu uu soo hadal qaaday in “Madaxwaynaha Ukraine ee Zelensky uu sheegay in Ruushku uu qorsheaynayo inuu isticmaalo hubka xeeladaysan ee nukliyeerka,” Wasiirka Arrimaha Dibaddu xitaa uma oggolaanin inay dhammayso su’aasha. “Kaasi waxa uu sheegaa waxyaabo badan,” ayuu lasoo boodey Lavrov.
Waxa uu xasuusiyey in Ruushku aanu waligiis soo hadal qaadin isticmaalka hubka nukliyeerka ah intii uu ku guda jirey howlgalka millateri ee uu ka wado dalka ay deriska yihiin, hoggaamiyaha Ukraine-na uu yahay ninka kaliya ee arrintan ka hadlay.
“Kama faalloon karo [wax], uu iskaga dhawaaqay qof dhamaystirnayn.” ayuu yiri Wasiir Dibadeedka Ruushku.
Lavrov wuxuu ku celiyay fikradda ah “inaysan marna jiri karaynin cid ku guuleysanaysa dagaal nukliyeer ah,” wuxuuna xaqiijiyey in Ruushku uu kaliya ku tiirsanaan doono hubka caadiga ah dhanka dagaalka Ukraine.
Zelensky ayaa Jimcihii wuxuu ku andacoodey in Moscow ay adeegsan karto hubka nukliyeerka ee taatikada ah inta uu socdo dagaalka Ukraine mar uu wareysi siinayay hilinka CNN.
Hadalsame Media