Dalka Ruushka oo daboolka ka qaaday inuu la imanayo HUB nooc cusub ah

0

(Moscow) 19 Abriil 2022 – Ruushka ayaa sheegay inuu sii wadi doono casriyeynta ciidamada qalabka sida, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga, Sergey Shoigu, oo shir la yeeshay saraakiisha sare ee millateriga galabta.

Weerarka Ukraine ayaa xaqiijiyey ansaxnimada istiraatiijiyad ay Moscow dib ugu habeynayso ciidankeeda, sida uu ku doodayo sarkaalkan ruug-caddaaga ah.

“Hirgelinta joogtada ah ee qorshe hawleed ay waddo Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa looga gol leeyahay in la sii horumariyo ciidamada dhulka iyo kuwa badda, si loo helo qalab ciidan oo casri ah. Intaa waxa dheer, dabaqaadda noocyo cusub ee dagaal taasoo u oggolaanaysa ciidamada inay si fiican ula qabsadaan xaaladaha iskahorimaadyada millateri ee casriga ah,” ayuu yiri Shoigu.

Wasiirku ma faahfaahin noocyada dagaal ee uu ula jeedo. Kulanka ayaase diiradda lagu saaray barnaamijyada dib u casriyaynta ee ay waddo wasaaraddu iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada, gaar ahaan gobolka cirifka qabow ee Arctic.

Hadalsame Media