“Arrintani waxay yeelan kartaa saamayn xun” – Dalkii ugu horreeyey ee Muslim ah oo u yeerey Danjiraha Sweden kaddib kitaabkii la gubey

0

(Hadalsame) 17 Abriil 2022 – Ninka xag-jirka ah ee Rasmus Paludans ayaa Sweden u adeegsadey inuu ku gubo kitaabka Qur’aanka ah, taasoo dhalisay rabsho maxalli ah oo lagu gubey gawaari badan iyadoo waxyeello la gaarsiiyey booliiska.

Yeelkeede, dad badan ayaa Dowladda Sweden ku dhaliilay inay ogolaato oo rukhsad siiso ninkan si loo gubo Qur’aanka.

Haatan Wasaarad Dibadeedka Ciraaq ayaa u yeertey Danjiraha Sweden ee dalkooda, si ay su’aalo u waydiiso.

Ciraaq ayaa sheegtay in waxa dhacay ay  ”saamayn xun ku yeelan karaan” xiriirka Sweden iyo dunida Muslimka ah.

Wakaaladda TT ayaa isku dayday inay arrin wax ka waydiiso Wasaarad Dibadeedka Sweden mase helin weli.

(TT)

Hadalsame Media