Soo jeedin dood CULUS dhalisay oo haatan ka taagan magaalada Hargaysa (Muxuu warku kasoo noqday?)

0

(Hargaysa) 16 Abriil 2022 – Sheekh Dirir xalay (habeen hore) waxa uu baahiyay war ah in masjidkii caanka ahaa ee Rusheeye, dadka qaarkii na u yaqanaan Adiino, ee uu tafsiirka ka akhriyi jiray la duminaayo.

Dhisme lix dabaq ah oo laba malyan oo dollar ku baxayso ayaanu ku bedelaynaa, lacagti na 90% waa haynaa, buu Sheekhu yidhi. Koox baannu ahayn oo judhiiba waxa na gu soo dhacday in aanay taasi talaabo haboon ahayn.

Masjidkaasi laba dabaq buu ahaa, masjiddo kale oo ka sii waawayni na waa ku dhowyihiin, sida Masjidka Ibraahin-dheere, oo wax yar uun Waqooyi ka xiga.

Magaalada Hargeysa shayga keliya ee aanay u baahnayni waa masjid, maxaa yeelay meel kasta waa la ga dhisay, qaarkood baaba isu muuqda.

Culimadu door muhiim ah ayay bulshada u gu jiraan, aduunka hadii ay keena yidhaahdaan na waa la keenayaa, laakiin in baahiyuhu sida ay u kala daranyihiin xoolaha loogu bixiyo ayaa qumman.

Caafimaadka iyo biyaha magaalada oo kale, waa meelaha u gu daran ee ajriga u gu weyni na dabcan ku jiro. Dadku tusaale ahaan, marka la qabto, intooda is qaadi kartaa Hindiya iyo Turkiga ayay u carartaa, laakiin wadnaha qofka la ga qabto meelna loolama carari karo, magaaladu na cisbitaal micno leh ma laha.

Toban milyan baa baahidaas daboolaysa ee culimadu ha ka fikireen hadba baahida inoogu daran, baahidaasi na manta shaki la’aan masjid ma aha.

Waxaa Qoray: Max’ed Haaruun Biixi

Hadalsame Media