WAR CUSUB: Diyaarinta xeer-hoosaadka doorashooyinka Gudoomiyeyaasha labada aqal iyo Madaxwaynaha oo berri bilaabmaya

0

(Muqdisho) 15 Abriil 2022 – Waxaa shalaytoole la dhaariyey inta badan Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad oo iskugu jira Aqalka Sare iyo kan Hoose ee Golaha Shacabka.

Haddaba, waxaa berritoole bilaabmi doona jidkii doorashada labada guddoon ee labada aqal oo ay deeto xigi doonto doorashada Madaxtooyada cusub ee dalka.

Qoraal farriimeed loo kala diray xubnaha cusub ee Aqalka Sare ayaa u dhigan sidatan:

Dhamaan Sanatarada Golaha Aqalka Sare waxa lagu wargelinayaa in bari oo SABTI ah Tariikhdu: 16.04.2022 , ay soo xadiraan Fadhiga Guud ee Golaha.

Saacadda:10:00 Am Subaxnimo.

Ajandaha;

1. Warbixin kooban ee Guddoomiyaha KMG hawlaha horyaal Golaha

2. Qaybinta Xeer-hoosaadka u gaarka ah doorashooyinka Gudoomiyeyaasha iyo Madaxwaynaha.

Hadalsame Media