Dadwaynaha Somaliland oo si qaadan waa ah uga fal-celiyey deeq waxbarasho oo ay bixisay TAIWAN

0

(Hargaysa) 12 Abriil 2022 – Waxaa magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay arday la sheegay inay imtixaan u geleyso deeq waxbarasho oo ay Taiwan siisay ardayda Somaliland, taasoo imtixaan loogu galay Xarunta Guddiga Tacliinta Sare.

Yeelkeede, dadwaynaha Somaliland oo warkan ka fal-celiyey ayaa kalsooni darro xooggan ka muujiyey sida lagu soo xulay ardayda, daah-furtaanta geeddi-socodka ay kusoo bexeen iyo guud ahaanba ka warqabka bulshada, iyadoo ay badankood sheegayeen in aanba dadwaynaha loosoo bandhigin deeqdan ee ay warbaahinta uun haatan ka arkayaan.

”Cidina may maqal in fursadaasi jirto mala dad gaar ah ayaa loogu talo galay,” ayuu soo jeediyey Cabdi Shakuur Jirde.

Sidii caadada inoo ahayd dalka la wada leeyahay ee Somaliland deeqaha waxbarasho waxa iska leh uun cid gaara. Maaha eed qabiil wa eed shakhsiyaad,” ayuu yiri Gasle Siciid.

”Tani cadaalad ma aha, qofna kamuu warqabin wax ogaysiis imtixaanka kahor. Ceeb calaykum! ayay tiri Maandeeq Samatar.

Magaalada Hargaysa uun dheh Somaliland wax la yidhaahdaa ma jiraane,” ayuu qoray Sakariya Xuseen.

Waar dukaanka ama ha laga wada adeegto ama dee nala dhaafa waxan kootadaa,” ayuu ku dooday Dr Xamse Cirro.

Oo goorma ayaa la shaaciyey?!” ayay is waydiisey Sihaam Aadan.

Waa maxay sababta aan qofna u maqlin arrintan? Wax ogeysiis ah oo dhan ma jirin. Tani waa khalad,” ayuu qabaa Axmed Max’ed.

Ilmo wasiir baa loogu deeqee Somaliland maahee MM TV ha xishoodo,” ayuu yiri Yaxya Cilmi.

Waa deeq waxbarasho oo hoos loo abuubuley cid maqashey iyo meel lagu sheegey toona ma jirin,” ayuu tuhmayaa Cabdiraxmaan Maxmuudi.

”Deeq habaysan weeyaan.” ayuu yiri Khadar Mahdi.

Hadalsame Media