3 arrimood oo ka dhalan karta go’aanka Midowga Afrika (Arag fal-celinta shacabka Soomaaliyeed)

0

(Addis Ababa) 09 Abriil 2022 – Ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah ugu gacan sayray go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka uga cayriyey Danjiraha Ururka AU islamarkaana ah Madaxa Howlgalka ATMIS u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa caddeeyey inay raacayaan go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin Danjire Francisco Madeira, iyagoo sheegay ”in Guddoonka Midowga Afrika uu markale xaqiijinayo sida ay uga go’an tahay taageerada DF Somalia oo hardan ugu jirta sidii ay ku heli lahayd nabad, ammaan iyo xasillooni.”

Dhaqaaqan diblomaasiga ah ee uu qaaday Midowga Afrika ayaa waxaa ka dhalanaya 3 arrimood:

1 – Arrintan ayaa weji gabax ku noqonaysa RW Rooble oo ah ninka soo saaray go’aanka dalka looga eryey Danjire Madeira oo lasoo bandhigay codkiisa isaga oo si aan ku habboonayn uga hadlaya arrimaha gudaha dalka.

2 – Sidoo kale, waxay weji kale u yeeli kartaa Howlgalka ATMIS laftiisa maadaama marka laga soo tago inuu Danjiruhu ku kacay khalad diblomaasi ah ay sidoo kale caddahay in aanu dhexdhexaad ahayn.

3 – Waxaase dhici karta in hadalkan laftiisu yahay mid madaxa loogu waynaynayo Danjiraha, balse la bedeli karo maadaama ay adkaan doonto inuu xiriir shaqo la yeesho qaar ka mid ah madaxda sare ee dalka, sidoo kalena aanu hal dhinac uun la shaqayn karin marka la eego xasaasiyadda howsha uu u xilsaaran yahay oo ay weliba doorashadu ku jirto.

FAL-CELINTA DADWAYNAHA

Sidii hore ee dagdagga ahayd ee RW Rooble ma ahayn qaab diblomaasiyadeed, lkn midowga Afrika go’aankaas inay sidiisa u qaataan oo aqbalaan bay ahayd,” ayuu yiri Buhaal Macallin Aadan.

Waa sax waana arrin Wanaagsan,” ayuu qoray Siciid Joogsade.

”Masaaliixda guud marka la eego, qof la wada aqbalsanyahay ayaa wanaagsan,” ayuu qabaa Cabdinuur Caanageel.

Mid aan habooneen, ninkaas in labadalo ayay ku fiicantahay maadaama dhinacyada is haya uu mid lasaftay,” ayuu leeyahay Max’uud Macallin Cabdullaahi.

Aragti qaanuun in lagu eego wanaagsan PNG ma bixinkaraa PM-ku,” ayuu ku dooday Axmed Yaasiin.

Waa loo baahanyahay Ambassador wadanka waxaa ka saari kara madaxwayne oo kaliya, meesha hadii la is dhexyaaco waa wareer. Waa ku mahadsan yihiin,” ayuu qoray Yacquub Casiis.

Inay wadanka xoog ku joogaan oo aysan wax sharci ah ku joogin waajibna ay tahay in si aan uga xuroowno ay wadadii Ethopian-ka ay maraan,” ayuu soo jeediyey Xasan Taatiko.

Adeer Hadadan adigi is xushmeyn ha filin in dadka kale ay ku xushmeeyaan,” ayuu yiri Jibaax Axmed.

Dublamaasi Dalkii uu joogay Qabiiladiisa iyo siyaasadiisa ka dhex shekeynaya wax la eryo weeye midkii diidana waa mid maran.” ayuu qoray Munniir Max’ed.

Hadalsame Media