Ruushka oo 3 gantaal ku dhuftay meel 200 oo mayl u jirta halka uu joogo MW Maraykanka

0

(Lviv) 26 Maarso 2022 – Ciidamada Vladimir Putin ayaa haatan duqeeyey magaalada dhacda Galbeedka Ukraine ee Lviv oo ay la heleen ilaa 3 gantaal fiidnimadii caawa xilliga maxalliga ah, iyagoo diley 5 qofood wax loo arkay farriin ku socota MW Maraykanka ee Joe Biden oo jooga meel goobta la duqeeyey u jirta 245 mayl oo qura isagoo qaxooti ku booqanaya Poland.

Sawirro laga soo qaaday magaalada ayaa muujinaya holac aad u ballaaran oo cirka isku shareeray qaybaha woqooyi bari ee magaalada, iyadoo kan loo arkayo weerarkii ugu horreeyey ee wayn ee ka dhan Lviv tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi 24-kii Febraayo.

Moscow ayaa Jimcihii muujisay ishaaro ah inay dib u soo celinayso hammigeedii ciidan oo ay diiradda saarayso dhulka ay sheeganayaan gooni u goosadka uu Ruushka taageero ee bariga.

Yeelkeede, abaaro 14:30 GMT ayay laba gantaal ku dhufatay duleedka magaalada Lviv oo 40 mayl u jirta xuduudka Poland, magaaladan oo ilaa hadda ka badbaadey inta badan duqeymaha iyo dagaalada culus ee burburiyay qaar ka mid ah magaalooyinka Ukraine ee u dhow Ruushka.

Duqaynta saddexaad ayaa saacado kaddib waxaa soo sheegay duqa magaalada, kaasoo tilmaamay in weerarku uu ‘waxyeello wayn u geystay’ kaabayaasha magaalada, balse uusan waxyeello u geysan dhismayaasha la deggan yahay.

Hadalsame Media