Putin oo uu xaalku ku xun yahay (Maxaa bil kaddib u qabsoomay?!)

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2022 – Ninkii Putin ah dhiiqo ayuu lugaha kula jiraa.

Muddo bil buuxda ah ayaa laga joogaa markii Putin ciidankiisa u diray Yukrayn si ay u fuliyaan wax uu ku sheegay hawlgal ciidan oo khaas ah.

Sida dad badani qabaan Putin waxaa qorshihiisu ahaa in ciidankiisu si deg deg cagta u mariyaan xukuumadda Yukrayn ee galbeedku taageeraan dabadeedna uu xukuumad pro Ruush ka dhiso Yukrayn. Ujeeddadaas koowaad marka uu xaqiijiyo qorshaha Putin waxa uu ahaa in Yurub iyo Maraykanku waabsami doonaan ayaga oo qasbanna miiska wadahadalka soo fadhiisan doonaan oo ay oggolaan doonaan in bariga iyo bartamaha Yurub noqoto meel ka caaggan ciidanka NATO. Laakiin maxaa dhacay?

Waxaa dhacay wax aan la filayn oo adduunkii yaab ku noqday. Muddo bil ah iska dhaaf wax kale’e ciidanka Ruushku waxa ay qabsan la’yihiin magaalooyinkii Yukrayn ee xudduudka labada dal ku yaalla sida Kharkiv. Waxa kale oo ciidankii Putin foodda gelin la’yihiin si xunna ugu haleegmeen caasimadda Kiev oo maalinkii koowaad Ruushku ku daadiyay ciidanka khaas ah ee dallaayadaha ku booda iyo guutooyin dhanka Belarus ka soo ruqaansaday.

Inkasta oo Ruushku baabi’iyay ciidankii cirka ee Yukrayn iyo hannaankii difaaca cirka haddana diyaaraha aan duuliyaha lahayn (oo loo badinayo in ay kuwii Turki yihiin) ee Yukrayn dhaawac culus bay gaarsiiyeen saanaddii Ruushku.

Sida hadda xaaladdu u eg tahay oo dagaalku u noqday dagaal magaalo (urban warfare) waa mid aan sinnaba u caawinayn ciidan shisheeye oo duullaan ah. Si walba oo Ruushku isugu dayo in uu guul gaaraana waxa ay noqon doontaa mid qiime adag uu dhiigbax ah ugu kacda.

Khaladka ugu wayn ee Putin galay waa in uu tobonnaan kun oo ciidan iyo dabbaabaad ah geliyay gudaha Yukrayn asaga oo aan gacanta ku dhigin jidadkii saadku u soo mari lahaa, xataa magaalooyinkii iyo tuulooyinkii xudduudkiisa ku teedsanaa aan haysan.

Reer Yukrayn ayaguna si mucjiso ah oo mitidnimo ah ayay u dagaallamayaan ilaa hadda oo u ma eka kuwo is dhiibaya, meelaha qaarna dagaal rogaalcelis ah oo guulo ka gaareen bay ka wadaan.

Haddii sidaan xaalku dhawr toddobaad oo kale ku sii socdo Putin baxar buu ku jiraa.

W; Q: Cali M Diini

Hadalsame Media