Maraykanka oo markale runta u sheegay Somaliland (Arrin ay ka ”cabsanayaan” oo ay caddeeyeen)

0

(Washington, DC) 23 Maarso 2022 – Dawladda Maraykanka ayaa ka caga jiidaysa in ay taageerto madax-banaanida Somaliland, iyada oo ”ka cabsi qabta” in siyaasaddan oo kale ay ka dhalato cawaaqib aan ku talo-gal ahayn oo ah in la kala googooyo Soomaaliya oo dhan.

Todobaadki hore, mar uu hoggaamiyaha Somaliland ee Muuse Biixi uu booqasho ku tagay dalka Maraykanka, islamarkaana uu u muujinayey dadweynihii ka soo qayb galay xafladdii Washington DC in gobolkiisu uu arrimihiisa si gaar ah u maamulayey muddo 30 sano ah, ayaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Joe Biden waxa ay ku adkeysteen in gobolkaasi la sii wadi doono in loola dhaqmo sidii gobol ka tirsan Somalia.

Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika oo la kulantay Mr Biixi Talaadadii ayaa markale u sheegtay inay ka wadahadleen xoojinta xiriirka Maraykanka iyo Somaliland iyadoo la raacayo siyaasaddayada Soomaaliya oo qura.

Larry Andre, Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya oo isna wareysiyo kala duwan siiyey warbaahinta gudaha ayaa ku adkaystay in siyaasadda Washington ee Soomaaliya aysan waxba iska bedeli doonin kaddib safarka Biixi.

Dhanka kale, Madaxwayne Biixi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay hay’adda Heritage Foundation, ayaa horay u sheegay inay ka daaleen sugitaanka inay la midoobaan Soomaaliya oo qaybaheeda kale ay yihiin kuwo aan xasilloonayn.

“Somaliland markii ugu horreeysay waxay xornimadeedii iyo aqoonsi caalami ahba heshay 26-kii June 1960-kii,” isagoo intaas ku daray in shan maalmood oo keliya kaddib xorriyadda ay Somaliland ay si mutadawacnimo ah ula midowday Soomaaliya iyadoo ujeeddadu tahay in la sameeyo “Soomaali-wayn”, oo si rasmi ah loogu yaqaan Jamhuuriyadda Soomaalida.

 

Hadalsame Media