”Marna ha isku dayin inaad taariikhda inkirto!” – MW Ukraine oo biyo kulul ku dhacay kaddib hadal uu ka jeediyey Baarlamanka Israel

0

(Tel Aviv) 21 Maarso 2022 – MW Ukraine ee Volodymyr Zelensky ayaa Israel ku dhaliilay inaysan in ku filan ka gaysanin caawinta dalkiisa, balse markii uu isku dayey inuu weerarka Ruushka barbardhigo gubistii Yuhuudda ee Holocaust waxaa weerar kusoo qaaday Xildhibaannada Yuhuudda.

Ninkan asal Yuhuudka ah oo khadka ugu khudbeeyey Aqalka Knesset, ayaa Israel usoo jeediyey inay is caddeeyaan “maadaama aan la dhexdhexaadin karin shar iyo wax wanaagsan” isagoo warkaa ula jeedey RW Israel ee Naftali Bennett, kaasoo ku gaabsaday inay dhexdhexaadinayaan Kiev iyo Moscow but, isagoo si ka duwan Galbeedka iyo xulufadooda qaarkeed aan wax cunaqabatayn ah saarin Ruushka, isagoo aan Ukraine siinin hannaanka difaaca hawada ee Iron Dome oo ay codsadeen.

Isbarbardhigga uu ku sameeyey arrinta gubitaankii la sheegay in Yuhuudda loo gaystey iyo wax uu ku sheegay in “Ukraine ay 80 sano kahor ku badbaadiyeen Yuhuudda”, ayaa sababay caro gaar ah oo kaga timid sharci-dejiyeyaasha Israel iyo warbaahinta, iyada oo qaar ka mid ihi ay ugu yeereen isku day ah in “dib loo qoro taariikhda” iyagoo sheegay in Naasiyiinta Ukraine ay Hitler gacan ku siinayeen Holocaust.

“Dhaleeceyntiisa Israa’iil waxay ahayd mid sharci ah, si la mid ah xaq wuu u leeyahay inuu sare u qaado filashadiisa ah inay Israel caawiso, laakiin waa wax lagu qoslo oo naga caraysiinaya barbardhiggiisa Holocaust iyo isku daygiisa ah ​​​​inuu dib u qoro taariikhda iyo inuu tirtiro doorkii dadka Ukraine ee ahaa isku day lagu baabi’inayo dadka Yuhuudda ah.” ayuu ku qayliyey hogaamiyaha Xisbiga Sahyuuniga ah ee xag-jirka ah, Bezalel Smotrich.

Warka Zalensky “wuxuu qarka u saaran yahay inkiraadda Holocaust,” ayuu ku dooday Xildhibaanka Likud MK, Yuval Steinitz oo ku dooday in “isbarbardhig kasta oo u dhexeeya dagaal caadi ah, iyo baabi’inta malaayiin Yuhuud ah oo lagu xirey qolalka gaaska qorshihii Naasiga ee Final Solution ay ka dhigan tahay in taariikhda la qalloocinayo.”

Wasiirka Isgaarsiinta Israel iyo Xildhibaanka Xisbiga New Hope Yoaz Hendel, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu “u majeeran yahay” Zelensky uuna taageerayo dadka reer Ukraine “qalbi iyo ficilba”, balse waxa uu xusay in qayb ka mid ah xasuuqii Nazi-ga Jarmalku u geystay Yuhuudda “sidoo kale laga fuliyay gudaha dhulka Ukraine”waloow uu sheegay in dagaal uu xun yahayna aysan ahayn in la barbardhigo gubitaankii Naasiga.

Si kastaba, Dowladda Israa’iil ayaa dooratay in aysan si rasmi ah uga hadlin hadalladan muranka dhaliyay ee Madaxweynaha Ukraine. “Waan sii wadi doonnaa inaan caawinno dadka Ukraine intii aan awoodno, waligeenna kama jeedsanayno dhibaatada dadka maraya argagaxa dagaalka,” ayuu ku gaabsaday Wasiirka Arrimaha Dibedda Yair Lapid oo farriin soo dhigay Twitter.

Afhayeenka Knesset, Mickey Levy, ayaa isna u mahad celiyay Zelensky wuxuuna sheegay inuu u baryayo inuu joogsado dagaalka Ukraine. Waxa uu sidoo kale rajo ka muujiyay in markii ay dhici karto, uu Zelensky uu soo booqan doono magaalada xoogga lagu haysto ee Quddus.

MW Ukraine oo dalal badan oo Galbeed ah khadka telefoonka kala hadlay una muuqda nin ka shaqaynaya in uu dhaco Dagaal 3-aad oo uu shalay markii 1-aad afka soo mariyey, ayay tani tahay markii ugu horreeysey ee uu fal-celin taban kala kulmo khudbooyinkiisa is bihin-bihinta u badan, iyadoo ay dad badani usoo jeediyeen inuu Ruushka la macaamilo halkii uu ogolaan lahaa in dalkiisa loo burburiyo dano istaraatiji ah oo ay NATO oo aan si toos ah u difaacayni wadato.

Hadalsame Media