(Hadalsame) 18 Maarso 2022 – Taageerayaasha kooxda Xiddigta Cas ee Belgrade ayaa markale soo hadal qaaday siyaasadda murugsan ee dunida.
Taageerayaasha ayaa ciyaartii EL ee ay la lahaayeen kooxda Rangers oo ay kula dheeleen caasimadda Serbia kusoo bandhigay liis dheer oo ku saabsan dalalka uu Maraykanku weerarayey tan iyo 1950meeyadii.
Waxaa dalalka oo ay mid kasta ku qoreen xilliga la weeraray ku jira dalka Somalia oo ay ku qoreen in la weeraray 2006-dii oo ay Somalia galeen Ciidanka Itoobiya oo uu dagaalkaa u wakiishay Maraykanku.
Taageerayaasha ayaa markii ay taxeen liiska oo uu ugu horreeyo Dagaalkii lagu qaybiyey Kuuriya islamarkaana lagusoo afjaray Suuriya hoos ku qoray: “Waxa aanu leenahay oo dhami waa nabadda fursad sii.”
Maraykanka ayaase toos u galay Somalia 1992-kii isagoo hoggaaminayey ciidan ku socdey olole la magac baxay “Howlgalkii Rajo soo Celinta” oo la iran jirey UNITAF kaasoo markii dambe fashilmay.
Hadalsame Media