Xildhibaannada Aqalka Hoose oo intooda badan la doortay (Inta dhiman & caqabad naadir ah oo taagan)

0

(Muqdisho) 10 Maarso 2022 – Waxaa wixii ay gebi dhaclaysaba meel gebagebo ah soo gaartey doorashada labada aqal ee Baarlamanka DF Somalia oo fasalkan ahayd middii ugu bandhig xumayd burburkii kaddib.

Waxaa haatan la doortay ilaa 219 xildhibaan oo ka mid ah tirada guud ee Aqalka Hoose oo ah 275 ee Baarlamanka DF Somalia oo ay ku madlan tahay in la qabto doorashada Madaxtinnimada dalka.

Waxaa sidaa darteed harsan 55 xildhibaan oo ay qaarkood caqabado hor yaallaan, lamana hubo in lagu dooran karo 5 maalmood oo ka harsan waqtiga loo qabtay in doorashadan lagu soo abyo oo ah 15-ka Maarso.

Waxyaabaha ugu yaabka badan waxaa ka mid ah in madaxdii sare ee dalka hoggaaminaysey ay qayb ka yihiin dadka caqabadaha u dhigaya habsami-socodka doorashada, taasoo ah dhaqan siyaasadeed aan horay loo arki jirin islamarkaana aan xitaa lagu fikiri karin in qof dalkii uu hoggaaminayey uu hadimeeyo, taasoo ah qab xumo & han yari.

Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah kuraasida Gedo oo durba turaanturrooyin loo dhigayo inay ku qabsoonto doorashada oo ay Garbahaarrey tahay magaalada 2-aad ee Jubbaland ee lagu qaban lahaa doorashada ilaa 16-kursi.

Hadalsame Media