”U yeera ammaanka!” – Maxay xalay sameeyeen Maamulka PSG kaddib dhammaadkii ciyaartii RM vs PSG?!

0

(Hadalsame) 10 Maarso 2022 – Kooxda PSG ayaa xalay markale dhirbaaxo ceebeed kala kulantay CL kaddib markii kulan ay aad u rajaynaysey inay usoo baxday wareegga 8-da ay u qoonsatay kooxda Real Madrid.

PSG oo lugtii hore 1-0 ku badisay ayaa gool kale u miistay kooxda Madrid, balse waxaa filashadeedii lagu soo afjaray 17 daqiiqadood oo ciyaartu ku noqotay 3-1 iyadoo uu Karim Benzema seddexleey ka ansixiyey ciyaarta.

Yeelkeede, waxaa gegada Bernabeu loo yeerey ilaalada ammaanka kaddib markii uu MW PSG ee Nasser Al-Khelaifi iyo Agaasimaha Isboortiga ee kooxdaasi ee Leonardo de Araujo ay ku ordeen qolka lebbiska si ay u raadiyaan garsoorihii reer Holland ee ciyaarta seeriga u sidey.

Ilo ku dhow ayaa ESPN u sheegay in labadan nin oo ka caraysnaa wax ay u arkayeen khalad laga galay goolwalaha PSG oo uu ka bilowday soo noqodka RM aan VAR laga eegine lagu sii daayey.

MW PSG ayaa xitaa la sheegay inuu ku qaylinayey “waan ku dilayaa!”.

Hadalsame Media