
(Hadalsame) 04 Maarso 2022 – DF Somalia ayaa ugu dambayn bedeshey go’aan yara dadbanaa oo ay horay uga qaadatay khilaafka Ruushka iyo Galbeedka, iyadoo haatan wax kasoo saartay baaq kale oo caalami ah oo lagu cambaaraynayo duullaanka Ruushka.
Kalfadhiga 49-aad Golaha Xuquuqul Insaanka QM ee Geneva oo ah kulan lagu eegayo “xaaladda xuquuqul insaanka Ukraine”, ayaa waxaa kasoo baxay qaraar rasmi ah iyadoo Somalia ay ka mid tahay 47-da xubnood oo Golahan ku jira.
Golaha Xuquuqul Insaanka QM ayaa haatan go’aamiyey in Guddi Gaar ah loo xildaaro baaritaanka duullaaka Ruushka ee Ukraine, iyadoo ay go’aankan ka aamuseen 13 dal, 2 dal ay diideen kuwaasoo kala ah Ruushka laftiisa iyo Eritrea, halka 32 dal ay u codeeyeen, kuwaasoo ay Somalia ku jirto.
Somalia ayaa kulankii bilowga ahaa ka maqnayd taasoo loo fahamsanaa ishaaro ah inay ka aamusi doonto, balse gelinkii dambe ayay shirka Golaha Guud ku cambaaraysay duullaanka Ruushka.
🔴 BREAKING
The Human Rights Council has decided to urgently establish an independent international commission of inquiry as a result of #Russia‘s aggression against #Ukraine.
✅ YES: 32
❌ NO: 2
➖ ABSTENTIONS: 13 pic.twitter.com/cJGjHtwXcR— UN Human Rights Council 📍 #HRC49 (@UN_HRC) March 4, 2022
Hadalsame Media