Romania oo xadka Ukraine ku waysan 2 dayuurad dagaal & mid burburkeeda la xaqiijiyey (Daawo)

0

2 saacadood kaddib ayaa la xaqiijiyey in dayuuradda dambe ay burburtay oo ay ku dhinteen 5-7 qof oo saarrayd, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Gaashaandhigga, Vasile Dincu, oo tacsi u diray ehelada dadkii dhintay.

Waxaa lasoo duubay muuqaal tusaya dayuuradda oo laga diray saldhigga Mihail Kogălniceanu Air Base 57 oo holcaysa islamarkii ay dhulka ku dhacday.

Dayuuradda ah MiG-21 LanceR ayaan weli wax wacaal ah laga hayn iyada iyo duuliyeheedii lamana oga inay rideen Ciidamada Ruushka iyo in kale, sidoo kale lama faahfaahin waxa ku dhacay ee ridey helakabtarka raadinaysey.

Hadalsame Media