Wasiir Dibadeedka Ruushka oo loo diidey inuu shir caalami ah ka qaybgalo (Inta urur ee Ruushka laga cayrinayo)

0

(Moscow) 28 Feb 2022 – Wasiir Dibadeedka Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa looga dhaartay safar shaqo oo uu ku tegi lahaa Switzerland taasoo ay ugu wacan tahay “xayiraad aan horay loo arag” oo Ruushka laga saaray hawada dalalka EU, taasoo looga jawaabey duullaanka Ukraine.

Lavrov ayaa lagu wadey inuu berri Geneva uga qaybgalo Shirka Golaha Xuquuqul Insaanka Caalamka, isagoo khudbad ka jeedin lahaa shirkan oo ku saabsan hub ka dhigitsa.

“Booqashadii Lavrov ee Geneva ee kulanka UN HRC iyo Shirka Hub ka Dhigista waa la kansalay kaddib markii ay dalalka EU hawada ka xirteen Ruushka” ayay tiri Safaaradda Ruushanka ee Geneva oo Twitter soo dhigtay khabarkan.

Xaaladda ayaa cirka isku sii shareeraysa iyadoo Ruushka lagu bartilmaameedsanayo cunaqabataynno iyo xayiraado fara badan, iyadoo ay FIFA & UEFA Ruushka ka cayriyeen tartamada ay qabtaan sida Koobka Adduunka 2022 iyo Euro 2022 qaybta Dumarka.

Ruushka ayaa sidoo kale la qorshaynayaa in laga saaro Booliiska Caalamiga ah ee Interpol, nidaamka lacag bixinta bangiyada ee SWIFT iyo xitaa Ciyaaraha Olombikada Adduunka.

MW Vladimir Putin ayaa xitaa laga ceshadey suun sharafeedkii taekwondo-ga ee uu siiyey Xiriirka Caalamiga ah ee World Taekwondo Federation

Hadalsame Media