Midowga Yurub oo Somalia ka codsatay inay cambaareeyaan duullaanka Ruushka

0

(Muqdisho) 27 Feb 2022 – Danjiraha Midowga Yurub ee Somalia, Tiina Intelmann, ayaa kulan la yeelatay Madaxa Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DF Somalia, Max’ed Xuseen Rooble.

Waxaa kulankan looga hadlay in EU ay Somalia ka caawiso doorashada, ammaanka iyo abaaraha.

EU ayaa Somalia abaaraha iyo macluusha Somalia u qoondaysay 41 milyan oo doollar si wax looga qabto.

Tiina ayaa sidoo kale Twitter kusoo qortay in ay EU Somalia ka doonayso inay ku taageerto cambaaraynta dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine.

Si kastaba, Somalia ayaa arrintan uga hadashay si dhexdhexaadnimo ah waxaana wanaagsan in Somalia ay ilaaliso daneheeda iyo halka ay u badan yihiin.

Hadalsame Media