Ruushka oo si ula kac ah taangi u marsiiyey gaari rayid ah oo jidka marayey & arrin yaab leh oo dhacday (Daawo)

0

(Kyiv) 25 Feb 2022 – Muuqaal baraha bulshada wareegaya taangi ay Ruush ah ayaa si ula kac ah u dardaray gaari jidka dhiniciisa kale marayey.

Taangiga oo kas ugu soo leexday gaariga ayaa muddo ku dul taagnaa isagoo deeto ka dhaqaaqay gaarigii oo daasad noqday.

BBC ayaa soo heshay muuqaal kale oo muujinaya in si mucjiso lagu tilmaamay darawalkii gaariga looga soo saaray gaariga malaasmay.

Ninka ayaa badbaadey waloow aan la ogayn xaddiga dhaawaca gaarey, iyadoo goobta lagu sheegay woqooyiga Kyiv.

 

 

Hadalsame Media