Ruushka oo Finland u hanjabey haddii ay NATO ku biirto & Twitter oo fayrus ku sheegay dokumenti ay soo bandhigeen

0

(Moscow) 25 Feb 2022 – Ruushka ayaa Finland uga digey inay ku biirto Gaashaanbuurta NATO taasoo ay sheegeen inay asaasi u tahay xasilloonida iyo ammaanka woqooyiga Yurub, sida ay ku doodday Maria Vladimirovna Zakharova, Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka Ruushka.

 

“Finland oo ku biirta @NATO waxay yeelan doontaa cawaaqib daran oo ciidan iyo mid siyaasadeed.” Ayay soo qortay.

Maria Vladimirovna Zakharova ayaa ka jawaabaysey war kasoo baxay RW Finland oo sheegtay in dalkeedu ka baaraandegayo ku biirista NATO, haddii ay ammaanka qarankooda daruuri u noqoto.

 

Deeto waxay Maria soo wadaagtey dokumenti ay sheegayso in NATO lafteedu ay Midowgii Soofiyeeti kula heshiisey 1990meeyadii in aan NATO isu ballaarin dhanka bariga.

Yeelkeede, Twitter ayaa diiddan in dokumentigan la furo isagoo ku tilmaamay mid halis fayrus leh.

Hadalsame Media