”In ciidamo iska galaan dal kale ma aha nabad ilaalin” – QM oo sheegtay in uu halis ku jiro nidaamka adduunku (Daawo)

0

(New York) 23 Feb 2022 – “Dunideenu waxay wajaheysaa dhibaatadii ugu waynayd ee nabadda iyo amniga caalamka sannadihii la soo dhaafay – xaqiiqdii muddadii aan xilka Xoghayaha Guud ahaa,” ayuu warkiisa ku furtay António Guterres, isagoo soo gaabiyay booqashadiisii dibadeed oo ay ku jirtay “shir madaxeed aad muhiim u ah eemadaxda Afrika”.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa u sheegay suxufiyiinta “in la wajjahayo waqti aan si dhab ah u rajaynayo inaanu iman” iyadoo uu Mr. Guterres khudbeeyey markii uu dib ugu laabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Waxa uu iftiimiyay warbixinnada ku saabsan xadgudubyada xabbad-joojinta ee sii kordhaya iyo “khatarta dhabta ah ee cirka isku siii shareeraysa”.

“Aan mid caddeeyo: Go’aanka Xiriirka Ruushka ee lagu aqoonsanayo waxa loogu yeero ‘madax-bannaanida’ meelaha qaarkood sida Donetsk iyo Luhansk waa mid xadgudub ku ah madaxbannaanida dhuleed ee Ukraine”, ayaa uu qeexay sarkaalka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay, iyada oo la jaanqaadaysa go’aannada Golaha Ammaanka ee ay khusayso, “waxay si buuxda u dhinac taagan tahay madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Ukraine, gudaha xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay”, ayuu yiri Xoghayaha Guud.

Isagoo muujiyay sida loogu hanweyn yahay guulaha laga gaaray howlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay “kuwaaso askar badan oo Koofiyado Buluug lihi ay naftooda u hureen si ay u difaacaan dadka rayidka ah” sida uu yiri, waxa uu Ruushka xasuusiyay in marka ciidamadu ay galaan dhul kale iyaga oo aan oggolaansho ka helin, “aysan ahayn nabad ilaalin”.

Hadalsame Media