(Hadalsame) 22 Feb 2022 – Shiinaha ayaa Isniintii cunaqabateyn ku soo rogay shirkadaha sameeya agabka difaaca ee Maraykanka gaar ahaan Lockheed Martin iyo Raytheon Technologies, sababo la xiriira iibinta hub ay siiyeen jasiiradda dimoqraadiyadda isku maamusha ee Taiwan, iyadoo sheegtay in heshiiska hubku uu wiiqayo danaha amniga ee dalka iyo xiriirka laba geesoodka ah.
Cunaqabatayntan ayaa ah tallaabooyin liddi ku ah labadan shirkadood waxayn ku saabsan heshiis ku kacaya 100-milyan oo doollar oo ay hub kaga iibiyeen Tawain 7-dii Febraayo, iyadoo uu Shiinuhu ku andacoonayo inuu yahay gobol ka go’ay.
Waa markii saddexaad ee Beijing ay ku dhawaaqdo tallaabooyin ka dhan ah labada shirkadood arrin ku saabsan iibka hubka ee Taiwan oo ay ku jirto $ 620 milyan oo lagu casriyaynayo gantaalaha jasiiraddan kaasoo Maraykanku uu ugu dhawaaqay jasiiradda Luulyo, 2020.
Jawaabtan ugu dambeysay ayay Shiinuhu kaga dabaaqayaan qorshe uu Mareykanku ku dhawaaqay 7-dii Febraayo kaasoo ahaa inuu ka iibiyo Taiwan gantaalaha daafaca cirka ee Patriot oo ku kacaya $ 100 milyan oo doollar
Iibinta hubka ee ugu dambeysay ee Taiwan ..waxay wiiqaysaa danaha amniga ee Shiinaha, waxay si dhab ah u waxyeellaynaysaa xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka iyo nabadda iyo xasilloonida Marinka Taiwan,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wang Wenbin.

Hadalsame Media