
(Boosaaso) 21 Feb 2022 – MW Maamul-goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni), oo warfidiyeenka la hadlayey ayaa shaaca ka qaaday in Maamulka Dekedda Boosaaso uu ka wareejiyey shirkad horay gacanta ugu heysay oo la yiraahdo P&O.
Shirkaddan oo hoostagta DP-World oo laga leeyahay Imaaraadka ayuu Saciid Deni ku tilmaamay mid ka baxday ballamihii ay wada galeen ee ku aadanaa horumarinta & ballaarinta Dekedda Boosaaso, sida uu yiri.
“Shirkaddii P&O Port waxa ay ku fashilantay in ay qabatasho qadashadii loo igmaday, DP-WORLD si toos ah uma maamuli jirin waxaana ceeb ku noqotay sida P&O ay wax u maamushay.” ayuu ku dooday Deni oo intaa raaciyey inay howsha u igman doonaan sharikad cusub.
Wuxuu kale oo uu Deni shaaciyey in shirkadda cusub ee imanaysa ay saami wadaag ku noqon doonaan sharikadda DP World oo 65% yeelanaysa iyo Maamulka Puntland oo qaadanaysa saami aan aqlabi ahayn oo gaaraya 25%.
Tillaabadan ayaan sina u waafaqsanayn Dastuurka Somalia, iyadoo ay dekeddani tahay mid qaran sidaa darteedna aanu jirin maamul ku wareejin kara shirkad qalaad iyadoo aanay rukhsad siinin DF Somalia.
Waxaa sidoo kale DP World horay loogu wareejiyey Dekedda Berbera taasoo haatan shacabka lagu soo rogey inay xitaa lacag ku galaan haddii ay wax uga baahdaan.
Hadalsame Media