Wasiirka Batroolka oo sheegay inuu heshiiska midkood la ogaa kuna gacan siiyey (Farmaajo & Rooble waa midkee!?)

0

(Hadalsame) 19 Feb 2022 – Wasiirka Batroolka DF Somalia, Inj. Cabdirashiid M. Axmed ayaa qoraal uu saacad kahor soo saaray ku bayaaniyey heshiiska uu galay ee ay diideen madaxda dalka ugu sarraysa.

“Waxaan ku faraxsan ahay in aan iclaamiyo inaan saxiixnay Heshiis Wax Soo Saar Wadaag 7 xirmood oon la galnay COASTLINE EXPLORATION LTD,” ayuu qoraalkiisa ku bilaabay.

“Waa guul usoo hoyatay Ummada Soomaaliyeed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyaha JFS oo igu garab siiyey iguna tirtirsiiyey dhammaystirka hawshan.” Ayuu raaciyey.

Si kastaba MW Farmaajo & RW Rooble ayaa soo wada saaray qoraallo hal mowqif ka istaagey heshiiskan oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.

 

Hadalsame Media