
(Hadalsame) 17 Feb 2022 – Danjiraha cusub ee Maraykanku usoo diray Somalia, Lary Andre iyo Taliyaha Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jen. Stephen J. Townsend, ayaa booqasho ku tegey Saldhig-cireedka Ciidamada Cirka Somalia ee Balli-doogle.
Saldhiggan oo ay sidoo kale deggan yihiin qaar ka mid ah Kumaandooska Xoogga Dalka, ayay nimankani waxay kula kulmeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage oo isna halkaa tegey.
Waxaa ay wararku sheegayaan inay ka wada hadleen arrimo ay ugu mug wayn yihiin amniga, la dagaalanka argagixisada iyo tayaynta oo lagu daray qalabaynta Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia, gaar ahaan kuwa millateriga.
Maraykanka ayaa gaar ahaan tababara ciidamada Komaandooska ah ee Danab oo ka mid ah Ciidamada ugu nidaamsan Somalia, waloow ay cillado badan abuurtay in ciidamada loo adeegsado hadafyo gaar ah oo siyaasadeed taasoo aad u wiiqday shaqadii asaasiga ahayd ee ciidamada oo ah ammaanka.
Tan kale, Maraykanka oo horraantii 2021 sheegay inuu ciidamadiisa kala baxay Somalia ayaan marna ka tegin xeryaha uu ku leeyahay Muqdisho, Balli-doogle iyo Kismaayo.
Hadalsame Media