Ruushka oo markii ugu horreeysey gantaalaha guuxooda ka dheereeya u diray dal Muslim ah (Daawo)

0

(Moscow) 15 Feb 2022 – Diyaaradaha dagaalka Ruushka ee masaafada dheer ee MiG-31K iyo Tu-22M3, oo sida gantaalaha Kinzhal ee guuxooda ka dheereeya, ayaa ku degey Garoonka Diyaaradaha ee Khmeimim ee Suuriya.

 

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka, diyaaraddan ayaa lagu wadaa inay ka qayb qaadato dhoollatus ballaaran oo ciidamada badda ah oo ay Moscow ka sameyneyso Bariga Badda Mediterranean-ka.

Muuqaallo ay soo bandhigeen millateriga Ruushka ayaa muujinaya labo diyaaradood oo nooca sameeya duqaynta istiraatijiga ah ee Tu-22M3 ah, kuwaas oo mid kasta uu ku callaqan yahay gantaalka Kinzhal oo ay caloosha ku sido.

Muuqaalkani waxa kale oo uu muujinayaa ugu yaraan hal MiG-31K, oo loo qaabeeyey inay qaaddo noocyo ka mid ah gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee riddada dheer oo ku degeysa saldhig-cireedka Khmeimim, balse taasi gantaal ma sidin xilligaasi.

Dayuuradahan ayaa jaray masaafo dhan 1,500 oo km, iyagoo u kala duulay saldhiggooda Ruushka ilaa Suuriya, waxayna ka qaybgelayaan dhoollatus ay raxan maraakiib ah oo 15 gaaraya oo ka kooban tan Badda Black Sea iyo Raxanta Woqooyi ay ka dhigayaan Bariga Badda Dhexe.

Hadalsame Media