RW Sweden oo kulan xog-siin ah la qaadatay Abaanduulka Ciidamada & xeelad lagu qabto daroogo fara badan oo la keenay (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 14 Feb 2022 – Magaalada Skarpnäck, wiil 20-jir ah ayaa dhowr mar la toogtey fiidnimadii xalaytoole, saacado yar uun kahor markii faras-magaalaha Farsta centrum lagu toogtey qof kale oo isna ku jira da’da 20-jirka.

  • Sanadkii tegey, waxaa 20% sare u kacay kookaynta ay qabteen Hay’adda Kastamada Sweden, halka maadada kale ee daroogada ah ee amphetamine ay iyadu korodhay 50%. Sidoo kale 3.2 tan oo xashiish ah ayaa lagu qabtay xadka Sweden, taasoo woxoogaa ka yar tiradii sanadkii tegey ee rikoodh jebiska ahayd, balse weli waa tiro aad u badan marka taariikhiyan loo eego.
  • Abaanduulka Guud ee Ciidamada Xoogga Sweden, Micael Bydén, ayaa maanta la kulmay RW Magdalena Andersson si uu ugu wargeliyo ugana xog-siiyo xaaladaha ugu dambeeya ee ammaan sida xiisadda Ukraine.
  • “Waxaa muhim ah in ay cod midaysan ku hadlaan Midowga Yurub iyo NATO si Ruushka loogu sheego cawaaqibka daran ee ka dhalan kara dulmi sii socda oo ka yimaada Ruushka,” Magdalena Andersson.

Hadalsame Media