(New York, NY) 10 Feb 2022 – Ruushku waxa uu hareer maray xeerarkii qaramada midoobay sagaashameeyadii waxa uuna si sharci daro ah u noqday xubin joogta ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka kaddib burburkii Midowgii Soofiyeeti (USSR), diblomaasi sare oo Ukrain ah ayaa sidaa ku dooday.
Sergei Kislitsa, oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Kiev u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa waraysi uu Talaadadii la yeeshay Pravda Yurub, wuxuu ku sheegay in uu aaminsan yahay in Ruushka si khaldan loo siiyay booskii Midowga Soofiyeeti ee Golaha Ammaanka kaddib markii uu dumey USSR 1991-kii, wuxuuna muujiyay sida uu uga xun yahay in aysan dalalkii kale ee kasoo baxay burburkaasi aanay Ruushka taa kula loollamin.
“Ma arag qaraar muujinaya qof mabda’ ahaan u codeeyay xubinnimada Ruushka ee Golaha Ammaanka ama Golaha Guud ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Kislitsa.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tilmaamay in Ruushku uu si sharci darro ah isu siiyay darajadaas.
“Muddo 30 sano ah hadda dadkani waxay la fadhiyeen hoolka iyagoo sita kaar oranaya “Ruushka, ‘iyaga oo isu muujinaya inay xubin ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay! Qof kasta oo ag joogana wuxuu u dhaqmaa sidii inay taasi caadi tahay.” ayuu raaciyey.
Golaha Ammaanka (UNSC), oo ka mid ah lixda hay’adood ee ugu muhiimsan Qaramada Midoobay, ayaa la sameeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka kaddib, wuxuuna ka kooban yahay shan iyo toban xubnood, oo shan ka mid ah ay yihiin kuwo rigli ah: US, UK, France, China, iyo Ruushka.
Waa quwadihii waawaynaa ee ahaa kuwii ku guulaystey dagaalkii labaad ee aduunka, ama dawlado qaab dhaxaltooyo ah ku fadhiya sida sharci ahaan loo aqoonsan yahay. Waxaana khaanaddaa ku dhacaya Shiinaha oo Taiwan booska kala baxay 1971-kii iyo Ruushka oo dhaxlay kursigii Soofiyeetka 1991-kii.
Hadalsame Media