(Hadalsame) 10 Feb 2022 – MW Farmaajo ayaa had iyo goor sheegi jirey inuu ku daydo MW ugu horreeyey Somalia xor ah, balse 5 sano oo lagu baran karo ayuu bulshada Soomaaliyeed hortaagan yahay, waana khalad in uu isu ekaysiiyo Madaxweynihii koowaad ee dalka AHU Aadan Cabdulle Cismaan ama uu dadka u tuso in uu yahay qof uu kaga daydo hoggaaminta iyo hab-dhaqanka siyaasadeed.
Meel uu ina Farmaajo ka shaboho Aadan Cabdulle ma jirto, bal eega isbarbardhiggan hoose:
1 – Aadan Cabdulle ma ahayn shakhsi jecel ama raadiya xukun, laba tusaale;
A) Xilligii daakhiliga SYL oo uu madax u ahaa ayey is qabteen shakhsiyaad ka mid ah, xilkii ayuu ka tegey ilaa markii dambe ay baryo iyo xaalmarin ku soo celiyeen (Muuse Boqor) ayay si gaar ah isu qabteen.
– Farmaajo iska daa in muran isaga iyo dadka wax ka dhexeeyaan soo kala dhexgala uu ku tagee, kursi jacayl ayuu dalka bohol ugu ridi gaaray waliba isaga oo muddo-dhaaf ah.
B) Aadan Cabdulle waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa oday Soomaaliyeed oo maslaxada ummadda ka shaqeeya iyo midnimadooda, walina lama sheegin mushaakiil uu ka shaqeeyey.
– Farmaajo shanta sano ee uu joogay maalinna dalka kama bixin xasarado uu isagu abuuray ama kuwa hareerihiisa jooga, dantiisa shakhsiga ah ayaana kala culus midda caamka ah.
C) – Aadan Cabdulle doorasho ayuu ku yimi, kuna tegey, daqiiqad ma kororsan waqtigiisa balse isagaaba maalmo kahor xilka ku sharfay C/Rashiid C. Sharma’arke oo bedelay si uu uga qaybgalo munaasabadaha xorriyadda.
– Farmaajo 2 sano oo sharci darro ah ayuu isku dayey in uu ku darsado ilaa dalku dagaal sokeeye dib ugu laaban gaarey welina kama harin damacaas waalida ahaa.
D) Ehlu diin, xishooda ayuu ahaa Aadan Cabdulle, xalaal maal ah.
– Sifooyinkaas cid ku sheegeysa MW Farmaajo ma maqal
E) Aadan Cabdulle ma faragalin jirin shaqada hay’adaha dowladda sida sharci dejinta iyo garsoorka.
– Farmaajo labadii aqal ee baarlamaanka midna xafiiskiisa ayuu hoos keenay midna gudoomiyeheedii xitaa salaanta Islaamka kama qaado.
F) Aadan Cabdulle isaga oo haysta Raysal Wasaare u ol’oleenaya, dhaqaale uu ku musuqmaasuqo doorashada ayuu diidey, xataa in uu is sharraxo waxaa ku khasbay Raysal Wasaarihiisa iyo saaxiibadii.
– Farmaajo waxa uu hadda ka sameynayo saddexda Maamul-gobolleed ee taabacsan waa loo jeedaa, intii uu xilka hayey heerka musuqu meesha uu gaaray waa laga wada dheregsan yahay. Doorasho boob ayuu diyaar u yahay.
Iska daa Xukuumad uu shaqadeeda u dhaafee, dhashiike iyo hoobiye ayaa maanta lala saaran yahay saqafka Madaxtooyadii Qaranka waxaana iska horjeeda isaga iyo Raysal Wasaarihiisa.
Gar waa loo Islaan e, MW Farmaajo muu aflagaadada ka daayo Marxuumka??!!!!!
Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi
FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan
Hadalsame Media