DF Somalia & AMISOM oo bayaan kasoo saaray aayaha Howlgalka AMISOM (Jadwal cusub)

0

(Muqdisho) 10 Feb 2022 – DF Somalia iyo Ururka Midowga Afrika oo shirar kala duwan ka yeeshay qorshaha kala guurka ammaanka Somalia ee ay ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay kala saxiixeen labada dhinac ee shirsanaa.

Waxaa bayaanka oo ka kooban dhowr qodob ka muuqata in lagu qeexay geeddi-socodka loo mari doono howlaha kala guurka ee howlgalka AMISOM oo hadda kaddib noqonaya mid KMG ah.

Waxaa sidoo kale ka muuqata in Dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika ay isla jeexeen jadwal cusub oo u dhisaalan qaab hortabin leh oo loo maaraynayo howlaha ammaan ee hor yaalla.

Halkan hoose ka eeg bayaanka:-

  1. Kaddib markii la soo-dhoweeyay wafdiga Midowga Afrika (AU), Qarammada Midoobay (UN) iyo Midowga Yurub (EU) dooddaha farsamo ee Kooxda Afarta Xubnood ah iyo wadahadallada la qabtay 28ka Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 ee horumarinta Fikirka Hawlgallada, Warbixinta Wadajirka ah Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
  2. Kaddib markii la xusay geesinnimada iyo naf-hurnimada ciidammada AMISOM iyo Ciidammada Amniga Soomaaliya nafta u hureen la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaasna la ammaanay doorka AMISOM iyo kan dalalka aynciidamada ka joogaan Soomaaliya ee lagu dhisayo Soomaaliya oo xasilloon oo nabad ah.
  3. Kaddib markii la soo-dhoweeyay khariidad-hawleed ay diyaariyeen Kooxda Afarta Xubnood ee CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xaqijinta muhiimadda ay leedahay in la raaco jadwalka iyo habraacyada dhammaystirka CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee ku jira khariidad-hawleedka lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah.
  4. Kaddib markii la aqoonsaday heshiiskii hore ee farsamo ee DFS iyo MidowganAfrika ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa 21ki Janaayo 2022 ee ku saabsanaa cabbiraadda iyo ujeeddooyinka istaraatijiyadeed ee mustaqbalka ee Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo in la xuso ka qayb-galka kulanka is-waraysiga ee Qaahira ee ku saabsanaa Hanka Soomaaliya ee 2021 kabdib ee agaasintay Xarunta Caalamiga ah ee Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka, Nabadaynta iyo Nabaddhiska.
  5. Kaddib markii la isku raacay horumarka laga sameeyey diyaarinta qabyo-qoraalka CONOPS-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xukashooyinka Taageerada Saadka ee Mugdisho intii u dhaxeysay 29kii Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 in ay waafaqsan tahay Khariidada lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah.
  6. Kaddib markii loo mahad-celiyay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyeen AU, AMISOM iyo DFS 14kii sano ee la soo dhaafay dadaallada lagu xoojinayo nabadda Soomaaliya.
  7. Kaddib markii la isla oggaaday in hawsha Kooxda Farsamada Affar-Geesoodka ah (Quartet) loo gudbin doono Madaxda Sare ee Quartet-ka si loo tixgeliyo.
  8. Maxaa Xigayo? Kooxaha Farsamada Afar-Geesoodka ah waxay ku heshiiyeen sida hoos ku xusan:
  9. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta dhaxayso 14ka ilaa 18ka Febraayo 2022 si loo tixgeliyo.
  10. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta u dhaxayso 21ka ilaa 25ka Febraayo 2022 si loo oggolaado.
  11. Gudbinta qoraalka kama dambaysta ah ee saddexda nuqul ee Golaha Nabadda iyo amniga Midowga Afrika iyo Golaha Amniga Qarammada Midoobay waa ugu dambayn 7da Maarso 2022 si loo tixgeliyo loona meelmariyo 31ka Maarso 2022.

Hadalsame Media