Xayiraadda uu Maraykanku soo rogi karo oo laba dhinac ku fooggan & dad aan awal loo malaynayn oo ku jira

0

(Washington, DC) 09 Feb 2022 – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan Somalia.

Digniintan ayaa ka dhan ah wax uu ku tilmaamay dad “wiiqaya dimoqraadiyadda Somalia” oo aanu magac dhabin.

“Waxaannu xadidaynaa fiisayaasha kuwa ku lugta leh wiiqitaanka dimoqraadiyadda Somalia,” ayuu warkiisa ku bilaabay.

Marka 1-aad waxaa la xusay in sanad laga joogo xilligii uu waqtigu ka dhacay MW Farmaajo kaasoo uu shalay u bilowday sanadkii 6-aad tiiyoo aan weli la dhamaystirin doorashadii Baarlamanka DF Somalia, waloow bishii dambe la yara dadaalayey misna waxaan is bedelin musuqii iyo nidaam xumadii socotey.

Marka 2-aad waxaa faahfaahin dheeri ah laga bixiyey oo qoraalka lagu xusay in xayiraaddu ay qaban doonto dadka u gooddiya saxafiyiinta, xiritaan aan sharci ahayn, cabsi geliya bannaanbaxyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ama farafareeya geeddi-socodka doorashada.

”Xubnaha qoysaska madaxdan ayay xitaa xayiraaddu saamaynaysaa.” ayaa lagu yiri qoraalka, taasoo aan ahayn arrin horay looga fikirayey.

Hadalsame Media