
(Pyongyang) 09 Feb 2022 – Woqooyiga Kuuriya ayaa ku andacootay in ay “dunida gariirin karto” iyada oo gantaal ku ridaysa Maraykanka soona jeedisay inay haysato bambooyinka hydrogen-ka, gantaalaha ballistic-ga ee qaaradaha isaga goosha, iyo gantaalaha guuxooda ka dheereeya.
“Dunida maanta waddamo badan ayaa waqti ku lumiya la macaamilka Maraykanka si is-hoosaysiis ama is dhiibid iyo addeecid indho la’aan ah, waddankeena oo kaliya un baana ka jira dal ku yaala meerahan kaas oo gilgili kara aduunka marka uu gantaal gaari kara la dhaco dhul-waynaha Maraykanka,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Waqooyiga Kuuriya Talaadadii shalay.
“Waxaa jira in ka badan 200 oo waddan oo adduunka ah, laakiin in yar ayaa haysta bambooyinka hydrogen-ka (nukliyeerka), gantaalaha ballistic-ga ee qaaradaha iskaga goosha, iyo gantaalaha guuxooda ka dheereeya.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale ugu yeertay tijaabooyinkii ugu dambeeyey ee gantaallaha “guul la taaban karo”, laakiin waxay ku nuuxnuuxsatay in waddanku ugu dambayntii xiisaynayo “kahortagga dagaal lagu soo qaado.”
Maraykanka ayaa isna u sheegay The Hill oo ku yaalla in Washington ay u aragto Pyongyang “mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka caalamiga ah iyo nidaamka faafitaanka hubka halista ah”, laakiin waxay ku adkeysteen in Mareykanku “aanu wadin wax colaad ah” oo ku wajahan qarankaasi fallaagada ah, sida ay yiraahdeen.
Waxay sidoo kale sheegeen in Washington ay ka go’an tahay “in ay xaddiddo in Kuuriyada Woqooyi ay hesho hubka ugu khatarta badan caalamka”, balse dalkan ayaa todobaadkii hore xaqiijiyay in uu tijaabiyay gantaal nooca riddada dhexe ah oo la yiraahdo Hwasong-12 markii ugu horreeysay tan iyo sanadkii 2017-kii.
Gantaalka ayaa la rumeysan yahay in uu awood u leeyahay in uu ku garaaco dhulka gasiiradda Guam oo ka tirsan Maraykanka, balse ku taalla woqooyiga Badda deggan ee Baasifigga.
Hadalsame Media