Waddan soo iibsanaya RM-70 oo 30 ilbiriqsi ridi kara 40 gantaal + Muuqaal (Dal Muslim ah oo ay is hayaan)

0

(Hadalsame) 09 Feb 2022 – Giriiga ayaa waxa uu sii wadaa in uu cusboonaysiiyo awooddiisa dagaalka waxa ayna raadinayaan hannaan gantaallo badan mar qura gani kara waana sababta uu u qanciyey hub noocan ah oo ay samayso sharikad reer Czech ah oo la yiraahdo Excalibur Army.

Hannaankan kasbaday kalsoonida Giriigga waa RM-70 Vampire, kaasoo ay ilo-wareedyo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Giriiggu sheegayaan inay aad ula dheceen jeneraallada Giriiggu.

Excalibur ayaa bilowday horumarinta RM-70 Vampire ku dhowaad ​​​​toddobo sano kahor markii samabalka 1-aad la sii daayay 2015-kii, si loo bilaabo wax soo saarkiisa iyadoo lagu sameeyo warshado ku yaalla Czech. Gantaal tuurahan oo u qaab eg qoriga Ruushka ee PM ayaa 122mm ah, isagoo kusoo caan baxay Carwadii Hubka ee Abuu Dabeey 2017-kii.

Gaariga uu saaran yahay waxaa saaran matoor 270-kW oo leh sideed-dhululubo lana yiraahdo Tatra T3C V8, kaasoo bixiya xawaare gaaraya 90 km / saacaddii isagoo sida gantaalaha oo dhan.

Khubaro badan ayaa sheegaysa in RM-70 122mm MLRS uu aad ula mid yahay waxqabad ahaan nooca Ruushku caanka ku yahay ee BM-21 Grad MLRS, balse halka Ruushku uu hal ilbiriqsi gudahood ku rido laba gantaal oo 122mm ah, nus daqiiqo gudaheed midkan Czech-sameega ah ee RM-70 122mm MLRS waxay faarujin kartaa dhammaan 40-ka gantaal ee ku cabbaysan.

Waxaa intaa dheer, RM-70 Vampire oo ay 18 dal dunida ka haystaan, waxa uu isticmaali karaa labadaba hannaan ee gantaallada caadiga ah ee NATO iyo gantaallada qadiimiga ah ee Soviet-kii hore sida  122mm oo Ruushka ah.

Giriigga ayaa hub urursigan ay Galbeedku ku taageerayaan waxaa lagu tilmaamay mid salka ku haya colaadda kala dhaxaysa Turkiga.

Hadalsame Media