Shiinaha oo si kulula uga jawaabaey booqashada wefdiga Somaliland ee Taiwan

0

(Beijing) 09 Feb 2022 – Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian, ayaa ka jawaabay “booqashada” wefdi ka socda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ay maalintii labaad ku jooganTaiwan, halkaas oo la filayo inay ku kala saxiixdeen heshiisyo horleh.

Zhao Lijian ayaa sheegay in dunida laga aqoonsan yahay hal dal oo la yirahdo Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha, sida lagu sheegay warbaahinta China News Service.

“Mabda’a in hal dal oo shiinaha ah uu jiro, waa xeer ka mid ah xiriirka caalamiga ah.”

Taiwan ayaa roog cas u fidisay Somaliland oo ah saaxiib cusub oo ay isku mowqif yihiin, .

Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dal dimuquraadi ah oo iskood isu maamula oo aan inta badan dunidu aqoonsanayn.

Taiwan ayaa dadaal ugu jirta inay kor u qaaddo joogitaankeeda masraxa caalamka iyadoo Shiinuhuna uu ugaarsanayo xulafadeeda dublamaasiyadeed.

Labadan dal ayaa isku doortay hadafkooda inay noqdaan dalal madax bannaan.

Sannadkii 2020-kii ayay samaysteen xiriir xooggan oo horseeday inay safaaro is dhaafsadaan taas oo ay Shiinaha iyo Soomaaliyaba ka caroodeen.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa waxa uu maanta xiriirka Taiwan ku tilmaamay “xiriir gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan ee dimuqraadiyadda Afrika iyo Aasiya”.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media