(London) 09 Feb 2022 – Nin British ah ayaa loo xirey tuhun la xiriira inuu gabar rakaab ahayd ku kufsaday gudaha dayuurad u kala gooshaysey Maraykanka ilaa Heathrow.
Saraakiil booliis ah ayaa soo fuushay dayuuradda United Airlines kaddib markii ay so caga dhigatay gegada Heathrow iyagoo qayladhaan ka helay shaqaalaha dayuuradda.
Haweenayda dhibka sheeganaysa oo iyadu ah 40-jir u dhalatay isla UK, ayaa arrintan markii hore gaarsiisey shaqaalihii dayuuradda United Airlines oo kasoo duushay New Jersey ilaa Heathrow iyadoo sheegtay in ninkani uu ku kufsaday qaybta business class-ka, xilli ay dadka kale hurdayeen.
Booliiska Ingiriiska ee Metropolitan Police ayaa The Sun u sheegay in “ay baaris qoto dheer ku sameeyeen goobtii ay haweenaydu sheegtay inay wax ka dheceen oo ay raadad ka raadinayaan” waloow ay ninka damaanad kusii daayeen.
Lama oga sababta ay u qaylin waydey maadaama ay goobtu diyaarad gudeheed tahay oo ay dad kusoo bixi kari lahaayeen.
Hadalsame Media