(Muqdisho) 09 Feb 2022 – Canaantii Maraykanka ayaa u muuqata mid durba saamayn yeelatay iyadoo Golaha Wadatashiga Qaran oo shir dhanka fogaan aragga ee Zoom-ka caawa ku yeelanayaa ay isla eegayaan sidii loo dardargelin lahaa xulashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka oo ka tirsan Baarlamanka DF Somalia.
Doorashada oo kaddib shirkii Muqdisho dar dar ku bilaabatay ayaa beryahan u muuqata mid yara gaabis ku yimid, iyadoo ay haatan muddo 15 cisho ihi ka harsan yihiin mudadii horay loogu qabtay in doorashada lagu soo abyo oo ahayd 25-ka bishan Febraayo.
Yeelkeede, waxaa ilaa haatan la doortay 110 Xildhinaan oo Aqalka Hoose ah kuwaasoo tirada guud ka noqonaya wax aan gaarsiinayn 40%.
Kulankan deg degta ku qabsoomay ee fogaan aragga ayaa imanaya saacado uun kaddib markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka uu soo saaray qoraal uu ku sheegayo inay xayiraado dhanka safarrada ah iyo dhinacyo kale saarayaan siyaasiyiin la sheegay inay turaanturraynayaan ”geeddi-socodka dimoqraadiyadda Somalia.”
Waxaa dadka loo gooddiyey oo ay xitaa ku jiraan xubnaha qoysaska siyaasiyiinta uu warkani ku fooggan yahay lagu haystaa xarig aan caddaalad ahayn, caga-jugleyn loo gaysto suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ah, iyo farafaraynta doorashada, waloow aan qofna si gaar ah loo magac dhabin, misna waxaa la xusay in sanad laga joogo xilligii uu waqtigu ka dhamaaday MW Farmaajo.
Hadalsame Media