(Washington, DC) 09 Feb 2022 – Hay’adaha warbaahinta Mareykanka ayaa faafiyay warqad ay ugu baaqayaan Pentagon-ka inay si deg deg ah u ogolaadaan in saxafiyiin lagu dhex daro ciidamada Maraykanka ee loo dirayo Yurub, CNN ayaa daaha ka qaaday Arbacadii.
Wargeysyada Military.com, Times Military, iyo Task & Purpose ayaa waxay ku andacoonayaan in dadweynuhu ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sida iyo waxa ay ciidamadoodu sameynayaan iyo waxa loo isticmaalayo canshuurta ay bixiyeen.
Saxafiyiinta ayaa rajo ka qaba in ay taageero dheeri ah u helaan qadiyaddooda iyagoo laakiin sheegay in inkasta oo codsiyo badan oo ka yimid ururada saxaafaddu soo gaareey, hadana aanu jirin wariye loo ogolaaday in uu raaco ciidamadan oo uu sheekadooda u keeno.
Waxay ku andacoonayaan inay ka walaacsan yihiin galaangal la’aanta xogaha ciidamada Mareykanka. Waayadii hore, Maraykanku waxa uu lahaa dhaqan uu ku faani jirey oo ahaa in la ogolaado in saxafiyiinta lagu daro ciidamada meelaha la geynayo, balse ururrada saxaafadu waxay soo jeedinayaan inay wax khaldameen bilihii la soo dhaafay iyadoo ciidamo loo dirayo bariga Yurub si ay u xoojiyaan fariisimaha NATO.
Hadalsame Media