Ciidamada DF ee ilaaliya afaafka hore ee Garoonka Aadan Cadde oo qaaday tillaabo aad loo ammaanay

0

(Muqdisho) 09 Feb 2022 – Ciidamo ka tirsan Booliiska Somalia & Nabad Sugidda NISA oo ilaaliya afaafka hore ee laga soo galo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sameeyey arrin lagu tilmaamay ”mid loo baahnaa”.

Ciidamadan ayaa gawaarida ka dejiya gabdho dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo la sheegay in ay galaan xerada Xalane si ay ula tuntaan rag halkaa ku jira oo xiriir la leh shabakaad saqajaannimadaas ku caawiya oo meelo kala duwan gabdhaha ka keena.

Sida ku cad xogo hoose oo uu helayo Hadalsame Media, ciidamadan ayaa iskood iskugu xilsaaray inay arrintaa waxa ay ka qaban karaan ay ka gaystaan, iyagoo gabadhaha halkaa ku reeba kaddib marka ay ka dejiyaan gawaarida ay saaran yihiin.

Yeelkeede, waxaa jira gabdho weli lagu gudbiyo gawaarida gaashaaman ee ciidamada shisheeye iyo tan kasii daran oo ah kuwa ay wataan Wasiirrada iyo madaxda Soomaalida oo naloo sheegay in qaarkood ay dhaqan xumadan qayb ka yihiin.

Xogo kale oo aannu helnay ayaa sheegaya in nin wasiir ah laga soo saaray Hotel Decale oo garoonka ku dhex yaalla kaddib markii ay shaqaalihii hoteelku u adkaysan kari waayeen dhaqan xumadiisa.

Ninkan ayaa la sheegay inuu hablo dhallinyaro ah oo fara badan soo kexeeysto oo qolal u kireeyo isagoo kula dhegdhega koridoorrada iyo qaacooyinka hoteelka, taasoo qayb ka ah anshax xumo baahsan oo ay caadaysteen rag badan oo madax sheeganaya balse aan mas’uul ahayn, iyadoo loo baahan yahay in arrintan si dhab ah wax looga qabto.

Hadalsame Media