(Hadalsame) 09 Feb 2022 – Waxaa ay dunida iyo Soomaaliduba aad u hadal hayeen wiil yar oo saqiir ahaa oo ku dhacay ceel dalka Marooko oo la oran jirey Rayaan, kaasoo ugu dambayn lasoo saaray 5-tii bishan waloow markiiba lagu dhawaaqay inuu dhintay.
Ha yeeshee, isla waqtigaas waxaa jirtey gabar yar oo Soomaali ah oo 4-jir ah oo la oran jirey Mumtaas Cabdi Jeex, taasoo iyaduna ku dhacday ceel ay ka dhex qaylinaysey ilaa ay ku dhex dhimato tiiyoo aanu soo gaarin wax gurmad dowladeed ama mid maamul ah, sida ay ehelkeedu sheegeen.
”4 cisho ayay ceelka ka qaylyaysey aniguna aan ka dul qaylyayey. Degmada iyo maamulkana waan u sheegay cidna waxba noogama qaban,” ayay tiri hooyadeed oo barooranaysa oo sheegtay inay deggan yihiin degmada Tuli Guuleed oo ka tirsan Gobolka Soomaalida.
”Gabadhu waxay soo raacday ilmo yar oo ari la jira, maamulka degmada iyo dowladda dhexeba waan u qayshannay, wax Alla wax wax nooga qabta waan wayney.” ayuu yiri Axmed Cali oo sheegay inuu gabadha ehel la yahay oo weliba tilmaamay in lagu yiri ”waar ceelka ku aasa.”
Hadalsame Media