Xulka K/kolayga Somalia oo guuldarro kala kulmay ciyaaraha Carabta (Xulka ay berri la ciyaarayaan & dhib haysta?)

0

(Dubai) 08 Feb 2022 – Dufcadda 24-aad ee Ciyaaraha K/kolayga Wiilasha Carabta oo markii ugu horreeysey lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayay Somalia kala kulantay guuldarro.

Tartankan oo ay ka qaybgelayaan 16 xul ayay Somalia waxay ku guruub tahay xulalka Lubnaan iyo Aljeeriya oo ay haatan ciyaar dhamaatay ku wajaheen.

Tartankan oo caawa furmay soconayana ilaa 16-ka bishan Febraayo ayaa Somalia looga adkaaday 112 halka ay la timid 67 jeeso.

Xulka Somalia ayaa isla berri ciyaarta u harsan la dheeli doona Xulka Lubnaan, iyadoo dhibaatada xulalka Somalia haysata ay ugu badan tahay agaasin iyo qorshe xumo dhanka maamulka ah.

Somalia oo caadiyan ka mid ah dalalka aan ku xumayn kubadda kolayga ayaan marna helin xiriir dejiya qorshe joogto ah oo lagu hormarinayo ciyaaraha kubadda kolayga min heer xaafad, dugsi ilaa heer caalami.

Sidoo kale, DF Somalia ayaan waxba ku bixin ciyaaraha dalka, iyadoo bishii Juun ee sanadkii tegey xitaa tigidho loo waayey qaar ka mid ah laacibiintii u saftay Xulka Somalia ee kubadda cagta oo ay dirqi uga baxsadeen Cumaan oo 2-1 uga adkaaday, tiiyoo aan lasoo diyaarin tababarena aysan xitaa wadanin.

Hadalsame Media